Musharaxee wasiir qaadan doono??
Bil iyo bar ayaa ka harsan doorashada madaxtimada Puntland. Ilaa iyo labaatan musharax ayaa goor hore ku dhawaaqay inay yihiin tartamayaal.
Lama qiyaasi karo qofka soo bixi doona, hase yeeshee ragga qaar ayey dhab ka tahay inay dadka iyo dalkaba hogaamiyaan.
Siciid Cabdulaahi Denni, Cali Xaaji Warsame, Axmed Faarax Juxa, Maxamud khaliif xasan iyo General Morgan ayaa goor hore laga dareemay ololaha ay wadaan inuusan ahayn mid la dhayalsan karo. Balse hada waxaa iyaguna carcar la soo baxay General Khaliif ciise mudan, General siciid dheere iyo Faarax Cali Shire, Midaan ayaa tartanka ka dhigaysa mid aad iyo aad u kharaar oo xamaasad iyo samayn xoog leh ku yeelan doonto hogaanka dalka. Madaxwayne Gaas ayaa isagu doonaya inuu dib u dhigo doorashada oo 8.1.2019
Ilaa hada lama magacaabin gudiga khilaafaadka, waxaana jira isqabqabsi iyo khilaaf wayn oo u dhaxeeya xubnaha Barlamaanka ee matali doona beelaha Puntland.
musharixiinta qaar ayaa qaadan doona wasiiro.
Tusaale ahaan ilaa 6 musharax ayaa qaadan doonin wasiirnimo oo u socda uun inay madaxwayne noqdaan.
1. Siciid Cabdulaahi Denni, wili puntland wasiir kama noqon, lamana falgalin siyaasadii Cade muuse ama cabdiraxmaan faroole ama Gaas ba. Hankiisa ayaa ahaa inuu somaaliya raisulwasaare ka noqdo ama uu madaxwayne ka noqdo ama uu Puntland madaxwayne ka noqdo. Hadii uu guulaysan waayo wasiir ma noqon doono.
2. Khaliif Ciise Mudan, wuxuu soo noqday taliyaha police ka Puntland, wuxuu kaloo soo noqday jamhad xiligii Puntland qalalaasuhu ka jiray, wuxuu kaloo soo noqday wasiirkii amniga ee ugu awood badnaa Puntland. Khaliif waa ku soo daalay wasiirnimo haduu guulaysan waayo, ma aqbali doono wasiir.
3. Maxamud khaliif jabiye, hadii laga guulaysto wasiir ma noqon doono, hankiisu kama sokeeyo inuu Gaas bedelo.
4. General Morgan iyo General siciid dheere labaduba kama mid noqon doonaan wasiirada Puntland.
5. Faarax Cali Shire, 5 sano ayuu wasiirka maaliyada soo ahaa, wuxuuna ka tirsan yahay koox isku xiran oo inay dalka dhan wada qabsadaan maahane aan wasiir kaafin karin.
Musharixiinta kale dhamaantood haday guul daraystaan, oo loo soo bandhigo xil-wasiir way aqbali doonaan.
Hadaba fikirkaaga ka dhiibo.

Comments
Post a Comment