Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2018
Musharaxee wasiir qaadan doono?? Bil iyo bar ayaa ka harsan doorashada madaxtimada Puntland. Ilaa iyo labaatan musharax ayaa goor hore ku dhawaaqay inay yihiin tartamayaal. Lama qiyaasi karo qofka soo bixi doona, hase yeeshee ragga qaar ayey dhab ka tahay inay dadka iyo dalkaba hogaamiyaan. Siciid Cabdulaahi Denni, Cali Xaaji Warsame, Axmed Faarax Juxa, Maxamud khaliif xasan iyo General Morgan ayaa goor hore laga dareemay ololaha ay wadaan inuusan ahayn mid la dhayalsan karo. Balse hada waxaa iyaguna carcar la soo baxay General Khaliif ciise mudan, General siciid dheere iyo Faarax Cali Shire, Midaan ayaa tartanka ka dhigaysa mid aad iyo aad u kharaar oo xamaasad iyo samayn xoog leh ku yeelan doonto hogaanka dalka. Madaxwayne Gaas ayaa isagu doonaya inuu dib u dhigo doorashada oo 8.1.2019 Ilaa hada lama magacaabin gudiga khilaafaadka, waxaana jira isqabqabsi iyo khilaaf wayn oo u dhaxeeya xubnaha Barlamaanka ee matali doona beelaha Puntland. musharixiinta qaar ayaa qaadan doona was...
Denni doorta aan Dunnida Gaarnee!! Iyadoo Doorashada Madaxweynaha  Puntland ka harsantahay 64 maalmood ayaa  sahan iyo warbixin  Xogogaal ah oo laga qaaday Ganacsato, Dhalinyara yaro, aqoonyahanka, Nabadoono, Haweenka Puntland, ay Sadaalinayaan in Dr. Said Abdullah Deni Noqondoono 8/1/2019 Mid KU Guulaysta Codka Xildhibanadda Puntland iyagoo u arkaa mid Maanta ka saarikara Puntland meesha ay taal, xag Amni, Soo Celin Degaano maqan, waxbarashadda, cafimaadka, iyo Dhowrista Hantidada Dadweynaha, isagoo aan lagu aqoon islaweyni, ixtiraamana qofkasta, dhegaysya Fikirka Dadweynaha iyo Rabitaankooda Ma aha Nin I arkooy I maqlooy KU shaqeeya Balse hor ilaahay Jecel wanaaga Puntland, kumanaal aqoonyahan ayuu Soo Saaray, xiligii uu wasiirka ahaa waxaa UU shaqaaleyey ilaa 50 in ka Badan oo Dawladda Federalka jagooyin ka qabtay, waa samafale KU deeqay hantidiisa Cidii mudatay . Kuwa Badan oo aan Puntland ahayn ayaa KU leh Dr Said Doorta, Bal aynu eegno go.aanka Xildhibanadda La...

Aniga iyo Buuga Xirsi Cali

Waxaan kamid ahay dad tiro yar oo somaalida kamid ah oo jecel wax akhriska, aniguse ma jecli akhriska sheekooyinka la xiriira jaceylka, caafimaadka ama waxbarashada guud. Markasta waxaan dhadhan ii leh sheekooyinka taariikhda aan horay loo ogayn ee la xiriirta siyaasada, qoyska ama falal dambiyeed horay u dhacay. Buuga uu qoray alle ha u naxariistee Cabdulaahi yuusuf axmed ayaan aad u akhristay, xiiso iyo xasuusna waa igu reebay, wax badan oo dadka ka qarsoonaa mudo 50 sano ku dhawna waan ka bartay, oo Aniga iyo odaygii 80 jirka ahaa ee xiligaas joogay isku mar ayaan ogaanay. Buugaas Halgan iyo Hagardaamo kadib maan arag siyaasi xafiis  dowlad intuu ka tagay sidaas A ilaa Z noola wadaagay. Saddex hameen ka hor ayaan akhriyey Buug uu qoray nin siyaasi ah, dhalinyaro ah, aqoon diini iyo mid Maadi leh, isku kalsooni oo markaad sheekadiisa dhuuxdo aad arkayso hadalkiisa iyo soyaalkiisa nololeed inay is leeyihiin, waa xirsi Cali Xaaji xasan......Buug miyi ilaa madaxtooyada ...