Waxaan kamid ahay dad tiro yar oo somaalida kamid ah oo jecel wax akhriska,
aniguse ma jecli akhriska sheekooyinka la xiriira jaceylka, caafimaadka ama waxbarashada guud. Markasta waxaan dhadhan ii leh sheekooyinka taariikhda aan horay loo ogayn ee la xiriirta siyaasada, qoyska ama falal dambiyeed horay u dhacay.
Buuga uu qoray alle ha u naxariistee Cabdulaahi yuusuf axmed ayaan aad u akhristay, xiiso iyo xasuusna waa igu reebay, wax badan oo dadka ka qarsoonaa mudo 50 sano ku dhawna waan ka bartay, oo Aniga iyo odaygii 80 jirka ahaa ee xiligaas joogay isku mar ayaan ogaanay.
Buugaas Halgan iyo Hagardaamo kadib maan arag siyaasi xafiis dowlad intuu ka tagay sidaas A ilaa Z noola wadaagay.
Saddex hameen ka hor ayaan akhriyey Buug uu qoray nin siyaasi ah, dhalinyaro ah, aqoon diini iyo mid Maadi leh, isku kalsooni oo markaad sheekadiisa dhuuxdo aad arkayso hadalkiisa iyo soyaalkiisa nololeed inay is leeyihiin, waa xirsi Cali Xaaji xasan......Buug miyi ilaa madaxtooyada waxaan akhriyey ilaa 257 baal oo farshaxanka, qaab qoraalka, eray bixinta afka Somaaliga ee hodanka ah, taariikhda iyo tusaalaaynta aqoonta iyo xirfada ku dhisan aadan macaankiisa marna maanka iyo maskaxdu ka daalayn.
Buug waxaan ka bartay ilaa 6 amuurood oo waa wayn, hadaan si kale u dhiga waa 6 tiir oo dowlad xumada, dhaqaale xumada, horumar la aanta ka jirta gayiga somaalida bud-dhiga u ah.
(Xirsi Cali Xaaji xasan oo ka hadlaaya arimaha maaliyada ee maamulka Somaliland wuxuu yiri"" markaan meesha nimi, waxaan ugu nimi bangi maran, Kasnad maran, Dayn faro badan iyo shaqaalaha dowlad oo aan 4 bil wax mushahar ah qaadan.)
La soco qaybta dambe iyo waxaan Buuga ka bartay.
Comments
Post a Comment